Boliska Kenya oo faahfaahiyey qaraxii xalay ka dhacay Nairobi.

Iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ka digeen weeraro laga yaabo inay Alshabaab geystaan xilliga loo dabaal-degayo Dhalashadda Sannadka Cusub ee 2016-ka ee Taariikhda Miilaadiyah ayaa Fiidnimaddii xalay waxa uu qarax ka dhacay mid ka mid ah Basaska ka shaqeeya magaalladda Nairobi.

Qaraxaasi oo dayaankiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Nairobi ayaa waxaa ka soo baxayo War ku aadan Baaritaan ay Boliska sameeyeen qaraxaasi kadib.

Wargeyska The Star ayaa qoray inay 17 qof ku dhaawacmeen qaraxaasi oo ka dhex dhacay Baska nooca ay Kenyaanka u yaqaanaan Matatu.

Taliyaha Boliska Xaafadda Buruburu ee Nairobi, Richard Kerich ayaa sheegay inuu qaraxaasi ka dhashay Bansiin caag uu ku jiray  oo uu watay mid ka mid ah Rakaabkii la socday Baskaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inuu qofka rakaabka uu caaga dul saaray Matoorka dushiisa, taasi oo keentay markii uu caagu kululaaday inuu qarxo, waa sida uu hadalka u yiri.

bamka la dhigay kaniisaddaDhinaca kale, Boliska Kenya waxay shalay kala furfureen qarax la dhigay Kaniisadda lagu magacaabo The Kutus Catholic Church oo ku taalla Degmadda Kirinyag,  mana jirto cid loo soo qabtay falkaasi.

©Radio Dalsan               

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor