Boliska Kenya oo baadi-goobayo rag Alshabaab u tashkiiliya dhallinyarradda

Afar qof oo ay Boliska Kenya jimcihii soo bandhigeen Sawiradooda ayaa lala xiriirinayaa inay Alshabaab u tashkiiliyaan Dhallinyarradda Kenyaatiga ee ku biirya Alshabaab.

Baarayaasha Boliska ayaa sheegay in afarta nin oo lagu kala magacaabo  Abulkadir Abubakar, Issa Abdallah Kauni, Ahmed Said Omar iyo Hussein Said Omar inay ka dambeeyeen saddex gabdhood oo Kenyaati ah, kuwaasi oo lagu qabtay Garissa, xilli ay ku sii jeedeen Somalia.

Taliyaha Boliska magaalladda Mombasa, Robert Kitur ayaa u sheegay Suxufiyiinta in ay raggaasi la baadi-goobayo ku soo tababar qaateen Somalia, isla markaana ay si dhuumaalaysi ah u soo laabteen si ay weeraro uga geystaan goobo aan la cayimi karin oo ay ku jiraan Xarumaha Ganacsiga iyo Xarumaha halbowlaha u ah Kenya.

Dhinaca kale,  Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS) ayaa ka digtay inay inta badan Dhallinyaradda Kenyaatiga ee tababrka ka helay Alshabaab dib ugu soo laabteen gudaha Kenya, si ay u fuliyaan weeraro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor