Taliyaha Boliska Kenya oo amray baaritaanka rag xalay lagu dilay Xaafadda Isliii.

Taliyaha Boliska dalkaasi, Joseph Boinnet ayaa amar ku bixiyey in la baaro Muuqaal Video oo laga duubay fal ay Boliska dharka cad xalay 2 nin ku dileen Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobi.

Afhayeenka Boliska, Charles Owino ayaa sheegayinay waajib tahay in baaritaan lagu sameeyo dadkii ka dambeeyey dilkaasi.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Star ayuu sheegay in waxa muhiuimka tahay sidii lagu aqoonsan lahaa rag wax toogtay inay Bolis yihiin iyo in kale.

Muuqaal Video oo hal daqiiqo ah oo laga duubay Dilkaasi ayaa muujinaya Nin sheeganayo inuu yahay Boliska dharka cad oo qabanaya Eedeysane.

Mayka Eedeysane kale oo dhiig ka qubanayey ayaa dhex yaallay bartamaha Wadada uu dilki ka dhacay.

Mar uu mid ka mid ah Eedeysanayaasha isku tijaabiyey in la halgamo Sarkaalka dharka Cad, waxaa laga toogtay meel aad ugu dhow.

Muuqaalka Video-ga oo Baraha Bulshadda iyo inta badan Warbaahinta Kenya lagu baahiyey ayaa laga maqlayey dhawaaqa 4 toogasho oo kale.

Waxaa kaloo la arkayey Nin dul taagan Eedeysanaha oo dhulka jiifa, kana codsanayo Sarkaalka kale inuu u dhiibo Bistooladdaa, halkaasi oo Eedeysanaha la toogtay.

Dhawaaqa 5 xabbad ayaa la maqlay, markii ay Toogashadda dhacaysay.

Ninka wax tooganayey oo u muuqday inuu Askari ahaa ayaa mar kale cabaystay Bistooladda, kadibna waxa uu toogtay Eedeysanihii oo dhulka jiifay.

Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen Kooxda Gangestarada  ee loogu yeero Super Power Gang, kuwaasi oo halkaasi ka geystay dhac hubeysan.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha la dilay ayaa ahaa Somali, halka kan kale la sheegay inuu ka soo jeedo Qowmiyadda Oramadda ee Ethiopia.

Wararkii Fiidnimadii xalay soo baxay ayaa sheegayo inay Boliska loo yaqaano Flying Squad-ka ka dambeeyeen dilkaasi, iyadoo ragga la dilay xubno ka ahaayeen Koox dhallinyaro loo yaqaano Super Power Gang, kuwaasi oo dhac hubeysan ka geysta Nairobi.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Nairobi, Japheth Koome ayaa u sheegay Wargeyska The Star inuu Muuqaalkaasi yahay mid la jilay oo uusan hayn Muuqaal run ah, waa sid uu hadalka u dhigay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media