Boliska Kenya iyo Uganda oo ka wada arrinsanayo Arday Somali-Kenyan lagu xiray Uganda

Saraakiil ka kala socota Dembi-baarayaasha iyo Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ee Boliska Kenya ayaa gaaray dalka Uganda, si ay dhigooda dalkaasi kala xaajoodaan  8 Arday Somali Kenyaan ah oo  isbuucii hore laga qabtay xadka labada dal.

Boliska Uganda oo Ardaydaasi qabtay ayaa sheegay inay si dhuumaalaysi ah ku soo galeen Uganda, laguna qabtay Degaanka Malaba oo ku dhow xuduudka ay la wadaagaan Kenya.

Ardaydaasi oo ka kala socday Dugsiyo ku yaalla Nairobi, ayaa sheegay inay  Uganda u yimaadeen si ay ugu ambabaxaan dalka Kanada.

Saraakiisha Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ee  Kenya waxay Degmadda Busia kula kulmeen dhigooda Uganda, iyagoo ka wada hadlay xaalladda Ardaydaasi oo la sheegay inay wataan Dukuemntiyadooda  Aqoonsiga  oo Rasmi ah.

Saraakiisha ayaa bilaabay inaay xog wareystaan Ardayda la xiray.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Waalidiinta Ardaydaasi Somali Kenya ayaa ku wargeliyey  Saldhigyadda Boliska Nairobi  inay  la’ yihiin Ubadkooda, waxaana loo sheegay in lagu xiray dalka Uganda.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor