Boliska Kanada oo ka gaabsaday doorka ay DFS ka qaateen qabashadda eedeysane lala xiriirinayo afduubkii Suxufiin shisheeye

Maxkamadda ku taalla caasimadda dalka Kanada ee Ottawa waxaa shalay la soo taagay nin Somali ah oo lagu magacaabo Ali Omar Adeer, kaasi oo lala xiriirinayo afduubkii sannadkii 2008-dii lagula kacay Suxufiyiinta  Ananda Lindhout oo u dhalatay dalka Kanada  iyo Nigel Brennan oo Australian ah.

Eedeysanae Ali Omar Adeer  waxaa maalintii Khamiista ee la soo dhaafay lagu qabtay  magaalladda Ottawa, iyadoo lagu eedeynayo inuu ahaa mid ka mid ah Dhexdhexaadiyaashii kaalinta ka qaatay sii-daynta Suxufiyiintaasi oo iyagu laga afduubtay duleedka magaalladda Muqdisho.

Labada Saxafi waxaa afduub ahaan loogu haystay Gobalka Sh/hoose muddadii u dhexeysay bishii August 23-dii ee sannadkii 2008-dii ilaa laga sii daayey bishii November 25-dii ee sannadkii 2009-kii.

Wasiirka Ammaanka dadweynaha Kanada, Steven Blaney ayaa bogaadiyey Hawlgalka ay Boliska ku soo qabteen Eedeysanahaasi, wuxuuna sheegay in xarigiisa farriin cad u tahay qof kasta ee weerara Muwaadiniinta Kanada inuusan ka badbaadi doonin in la soo maxkamadeeyo.

Kaaliyaha Taliyaha Boliska ee Boqortooyadda Kanaada (RCMP), James Malizia oo hoggaaminayo Hwlgalladda Boliska Federalka, ayaa sheegay inay baaritaan ay wadeen 7 sanno kadib suurto-gelisay in la soo xiro Eedeysanaha Ali Omar Adeer. Waxa uu intaasi ku daray inay baaritaankooda ka fuliyeen deegaan aad u khatar badan oo ku yaalla dal aysan ka jirin deganaansho siyaasadeed.

James Malizia waa uu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo qaabka Eedeysanaha ku yimid Ottawa iyo haddii ay Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka Somalia taageero ka geysteen sidii loo soo qaban lahaa Eedeysanaha.

Dhinaca kal,e Eedeysanaha Soomaaliga ee Ali Omar Adeer ayaa waxaa shalay la hor keenay Maxkamadda magaalladda Ottawa, isagoo labo-diblo u xiran.

Garyaqaanka Eedeysanaha oo lagu magacaabo Samiir Aadan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintaasi, inkastoo uu xusay inay hayaan xog yar.

Eedeysanaha ayaa la filayaa in Jimcaha soo socda mar kale la soo taago Maxkamadda magaalladda Ottawa, isagoo haatan ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Ottawa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor