Boliska Kanada oo amray in la soo xiro Muwaadin Somali oo lagu tuhunsan yahay dilka Dhallinyarro Soomaaliyeed

Boliska magaalladda Toronto ee dalka Kanada ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo Kamal Hassan oo 23-jir ah , kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dilka labo dhallinyarro Somali ah oo lagu kala magacaabi jirey Mohamed Abdiweli Diriye iyo Abdiweli Abdullahi.

Marxuumintaasi oo da’dooda lagu sheegay  26 jirro ayaa waxaa maydkooda laga helay waddo ku taalla magaalladda Toronto.

Boliska waxay kaloo sheegeen inay baadigoobayaal Eedeysanayaal kale, waxayna qabteen mid ka mid gaadiidkii loo adeegsaday Toogashadda Marxuumintaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor