Boliska Kanada oo abaalmarin lacageed dul dhigay dadkii ka dambeeyey Soomaali lagu dilay dalkaasi.

Boliska magaalladda Edmonton ee dalka Kanada ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey Abaalmarin Lacageed oo la siinayo dadkii gacan ka geysta Gacan-ku-dhiiglayaashi ika dambeeyey 11 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay magaalladdaasi muddadii u dhexeysay sannadihii 2006-dii ilaa 2009-kii.

Lacagta Abaalmarinta oo guud ahaan dhan 440,000 oo Dollar ayaa looga dhawaaqay Kulan ay Jaalliyadada Soomaalida iyo Boliska Edmonton ka yeesheen sidii la isaga kaashan lahaa kooxahaasi oo gacansaar la leh Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalladda Edmonton.

Saddex Alifle Bill Clark oo ka tirsan boliska Kanada ayaa sheegay inaysan weli jirin wax horkacayo in la helo Dembiilayaasha, waxaana uu xusay inay u baahan yihiin inay dadka yimaadaan si loo qaado tallaabo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Bulshadda Soomaalida-Kanadiyaanka ku nool magaalladda Edmonton, Jibriil Ibraahim ayaa sheegay inay arrintaasi tallaabo wanaagsan, iyadoo ay Bulshadda  doonayaan nooc ka mid ah in la soo xiro.

Waxa uu intaasi ku daray in dad badan la dilay, loona baahan yahay inay ogaadaan Dembiilayaasha iyo in Caddaalada la hor keeno.

Dhinaca kale, inta badan  Dhallinyarradda Soomaalida ee ku nool dalka Kanada, ayaa la sheegay inay  noqdeen Gaangestaro iyo kuwo aad u isticmaala Mukhaadaraadka, taasi oo keentay inay Koox-koox u dagaalamaan,

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor