Boliska Canada oo baadi-goobayo Muwaadiniin Somali oo ku lug lahaa dilka Muwaadin kale oo Somali ah

Boliska Canada ayaa la sheegay inay soo saareen Amar lagu soo qabanayo labo nin oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falkii bishan August 9-dii ee lagu dilay Marxuum Kabil Abdulkadir oo 27-jir ahaa.

Marxuumka ayaa la sheegay in la toogtay xilli uu saaxiibadiisa la taagnaa duleedka Hotel ku yaalla faras-magaallaha Toronto.

Saddex alifle Joyse Schertzer oo ka tirsan Boliska magaalladda Toronto ayaa u sheegtay Suxufiyiinta inay Boliska baadi-goobayaan labada Eedeysane ee lagu kala magacaabo Mohamoud Abdiweli Dirie iyo Hassan Abdulle, kuwaasi oo ku eedeysan dembiga dilka heerkiisa koowaad.

Waxay kaloo sheegtay in ay Boliska Toronto maalintii Khamiista ee la soo dhaafay qabteen Abdullahi Ali Farah oo 20-jir, kaasi oo lala xiriirinayo dilka Marxuum Kabil Abdulkadir.

Joyse Schertzer waxay kaloo tilmaamtay in uu khilaaf ka dhex jiray Marxuumka la dilay iyo mid ka mid ah Eedeysanaha la baadi-goobayo ee Mohamoud Abdiweli Dirie, inkastoo ay ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiyo nooca uu ahaa Khilaafkaasi.

Dhinaca kale, Fowzia Hasasn oo ah Hooyadda dhashay Marxuumkaasi ayaa sheegtay inay war sugayso Caddaaladda, si loo abaalmariyo kuwii ka dambeeyey dilka wiilkeeda.
© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor