Boliska Britian oo DNA-da u adeegsaday Eedeysane lala xiriirinayo Muwaadin British ah oo ay Burcad-baddeed dileen

Hadal ka soo baxay Boliska dalka Britain ayaa lagu sheegay inay hayaan caddaymo muujinaya  nin Kenyaati ah oo ka shaqeyn jirey Hotel ku yaalla W/bari Kenya, kaasi oo  lagu eedeeyey inuu rag ka tirsan Burcad-baddeeda  u fududeeyey inay qafaashaan Haweeney British ah, isla markaana dilaan saygeeda.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ali Kololo ayaa ah qofka keliya ee loo haysto falkaasi, iyadoo ay Maxkamad ku taallo dalka Kenya ku xukuntay dil.

Laakiin,Boliska Britishka ayaa sheegay inay ku ogaadeen  dheecaanka DNA-da ee ay ka qaadeen Ali Kololo inuusan ku lug lahayn afduubka iyo dilka lagula kacay Lammaane u dhashay dalka Britain.

Ninka la dilay ayaa la oran jirey David Tebbutt, iyadoo xaaskiisa Judith afduub ahaan loogu haystay Somalia muddo 192 maalmood ka hor intaan la sii daynin.

Afduubkaasi ayaa waxa uu dabayaaqadii bishii September ee sannadkii 2011-kii  ka dhacay Hotel ay Dalxiisayaasha deggaan oo ku yaalla W/bari Kenya.

Eedeysanaha Ali Babitu Kololo, 25, ayaa horey u sheegay in ay Burcad-baddeeda qori ku qabteen, ka hor intaysan dilin Ninka Britishka, lana afduubanin haweeneydiisa

©Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor