Boliska Britain oo baadi-goobaya Gabdho Soomaaliyeed oo la la’ yahay.

Afhayeen u hadlay Boliska Scotland Yard ee dalka Britain ayaa sheegay inay weli raadinayaan 3 gabdho Somali ah, kuwaasi oo la waayey dhowr maalmood ka hor.

fadrdowsa hassan ukGabdhaha la raadinayo ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Abir Saalax oo 16-jir ah, Axlaam Saalax oo 15 jir ah iyo Fardowsa Xasan oo 13-jir ah, kuwaasi oo degganaa Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga magaalladda London.

Boliska Britain waxay sheegeen inaysan filaynin inay gabdhahaasi ka dhoofeen Britain, waxayna qaar ka mid ah Saraakiisha rumeysan yihiin in laga yaabo inay gabdhahaasi dhex jiifaan Basaska ama goobaha kale ee Shabakadda Gaadiidka (Th Transport Network).

Fardowsa iyo Abir ayaa la sheegay in la la’aa tan iyo bishan December 6-dii, halka Axlaam la waayey bishan 12-dii.

Waalidiinta Gabdhahaasi ayaa la sheegay inay ka walaacsan yihiin maqnaanshaha gabdhahooda oo aan meel lagu sheegin, waxayna ugu baaqeen gabdhahooda inay sida ugu dhaqsaha badan ula soo xiriiraan.

gabdho 1

gabdho

©Radio Dalsan  

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor