Boko Xaram oo Al Shabab ugu yeertay iney ku biirto kooxda Daacish

Muqaal ay soo duuben Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Boko Xaram Ee Dalka Nigeria ayaa loogu yeeray Xarakada Al Shabab Ee Soomaaliya iney ku biirto Kooxda Khilaafada Islaamka Ee Wadamada Ciraaq iyo Siiriya.

Kooxda Boko Xaram ayaa muqaalkasi ku sheegtay in Al Shabab ay faa’ido ka heli doonto iney Hoostagto oo ay ku biirto Kooxda Daacish ee uu Hogaamiyo Abubakar Al Baqdadi.

10 Cisho ee la soo dhaafayKooxda Daacish iyo Ururada taageersan Eek u kala sugan Dalalka Ciraaq,Nigeriya,Siiriya iyo Yemen waxa ay soo saaren 8 Muqaal oo ay Al Shabab uga codsanayan iney ku biirto Kooxda Khilaafada Islaamka Ee Daacish.

Al Shabab Weli si rasmi ah ma aysan uga jawaabin Muqaaladan ay soo saaren Kooxaha Taagersan Kooxda Daacish balse Shalay ayay Al Shabab ku xir xirtay dad ka badan 30 ruux oo ay ajaanib ku jiran Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Dadkasi la xir xiray waxa lagu soo qab qabtay Howlgal ay Al Shabab ku baadi goobayan Kooxo taageersan Daacish maalintii shanaad oo isku xigta ayuuna Howlgalka socday tan iyo arbacadii Shalay.

Al Shabab ayaa hore 5 Ruux oo ajaanib ugu xir xirtay eedeymo isla arintan la xiriira Magaalada Jamaame Ee Gobolka Jubbada Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor