Biden oo dusha laga saaray mas’uuliyadda Go’aankii looga baxay Afganistan

La-taliyaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad ee loogaarrimiyo Maraykanka, Jake Sullivan ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Washington, wuxuuna xusay inay isaga, Madaxweyne Bideniyo xubnaha kale ee Xukuumadad qaadi doonaan mas’uuliyada Go’aanada la xiriira Ka-bixitaanka Afganistan.

“Biden ayaa qaadanaya Mas’uuliyadda Go’aan kasta ee ay Dowladda Maraykanka ka qaadatay Afganistan” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, wuxuuna sii raaciyey inay isaga iyo xitaa saaxiibadiisa qaadanayaan mas’uuliyadaasi.

Madaxweyne Biden waxa uu eedeymo kala kulmay qaabkii loogu talagalay daad-gureynta dadka rayidka ee Afganistan iyo Muuqaaladii Fowdada iyo Isku-dhex yaaci ka jiray ee Garoonka Kabul , taasi oo dad badan soo xusuusisay Ka-bixitaankii Ciiddanka Maraykanka ee Dagaalkii Saygoon ee dalka Vietnam sanadkii 1975-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor