Beled-weyne: Maleeshiyaad Hubeysan oo xayiray Gaadiidka iyo Goobihii Ganacsiga oo weli xiran

Marxum Mahdi Shiiqaal Iyadoo saakayto la aasay Madixii Hay’adda QM ee Miino-baarista Gobalka Hiiraan, Marxuum Mahdi Xuseen Shiikhaalow ayaa waxay Maleeshiyo ku hayb ah maanta soo buux dhaafiyeen bartamaha Beled-weyne.

Maleeshiyadda waxay xayireen isku socodkii gaadiidka, waxayna meel kasta la taagan yihiin qoryaha fudud iyo Boobayaasha.

Goobihii Ganacsiga waa la wada xiray, iyadoo aad looga cabsi qabo inay iska horimaad dhex maraan Maleeshiyaasi iyo Ciiddanka Maamulka Gobalka Hiiraan.

Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Culumaa’udiinka ayaa u xusul-duubayo in xaalladda la dejiyo, waxayna kulamo la yeesheen xubno ka tirsan Nabadoonadda ku haybta ah Maleeshiyadda.

BELED-WEYNEMaleeshiyadda ayaa la sheegay inay ku adkeysanayaan in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglihii dilay Marxuum Mahdi Xuseen Shiiqaalow.

Marxuumka ayaa waxaa shalay lagu toogtay Xaafadda Xaawa Taako ee magaalladda Beled-weyne, waxaana la hadal-hayaa inay Ilaalada Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ka dambeeyeen dilka Marxuumkaasi.

© Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor