Bejing: Mo Farah oo rajo weyn ka qaba inuu mar kale ku guuleysan doona Orodka 5,00 meter

Orodyahanka Somali-Britishka ee Mo Farah ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu Orodka dhici doona maalinta Sabtida ee uu  ku guuleysan doono.

Mo Farah oo ka qeyb galayo Tartanka Orodka Caalamiga ee ka socda caasimadda dalka Shiinaha ee Bejing waxa la filayaa inuu maalinta Sabtida ee soo socota mar kale ku guuleysto Orodka 5,000 meter

Waxa uu rajeeyey inuu mar kale dib u soo celin doono maalinta Farxadda leh ee Super Star, oo uu Sabtigii hore ku guuleystay Orodka Marathonka ee 10,000 meter, oo uu kaalinta Koowaad galay, halka Kaalinta Labaadna galay Orodyahanka Ethiopianka ee Yomif Kejelcha.

Markii uu xaqiiqsaday inuu gaaray Diilinta Guusha, waxa uu Mo Farah farxad darteed la dhacay Sajuud, oo uu Rabbi uga mahadceliyey guushaasi.

Mo Farah oo 32 jir waxa kaloo uu Waretsi uu bixiyey ugu mahadceliyey Ummadda Soomaliyeed iyo dhamaan Taageerayaasha ku dhiiri-geliya inuu Kaalinta Koowaad ka gaalo Tartamadda.

Waxa uu horey u hantay Billadaha Dahabka ee Tartamadii Orodka ee 5,000m iyo 10,00m ee ka kala dhacay magaallooyinka London iyo Mosko.

Britain's Mohamed Farah stumbles and almost falls in a men’s 5000m round one heat at the World Athletics Championships at the Bird's Nest stadium in Beijing, Wednesday, Aug. 26, 2015.  (AP Photo/Kin Cheung)
Britain's Mohamed Farah prays after a men’s 5000m round one heat at the World Athletics Championships at the Bird's Nest stadium in Beijing, Wednesday, Aug. 26, 2015. (AP Photo/Mark Schiefelbein)

Britain's Mo Farah, right, leads a group of runners in a men’s 5000m round one heat at the World Athletics Championships at the Bird's Nest stadium in Beijing, Wednesday, Aug. 26, 2015. (AP Photo/David J. Phillip)

Mo Farah of Great Britain (L)  Galen Rupp of the U.S.A. (C) jog with another athlete around the Bird's Nest Stadium at the Wold Athletics Championships in Beijing, China, August 21, 2015. REUTERS/Phil Noble

mo farah 05

WQ. Ustaad Nuradin Abokor Axmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor