Beesha Calaamka oo ku boorisay Barlamaanka Somalia inay ansixiyaan Nidaamka Doorashada ee 2016-ka.

QM, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Europe, Britain, Ethiopia, Maraykanka, Sweden iyo Italy waxay walaac xooggan ka muujiyeen Ansixin La’aanta Barlamaanka ee Nidaamka Doorashadda oo uu Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid u gudbiyey bishii la soo dhaafay ee April 30-da.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Saaxiibadda Caalamka waxay ku booriyeen Xildhibaanadda Barlamaanka inay dedejiyaan ansixinta Nidaamka Doorashadda, iyadoo sidoo kalena Hay’addaha Dowladda loogu baaqay inay horey u wadaan U Diyaar-garowga iyo Xaqiijinta Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016-ka.

Danjirayaasha iyo Ergooyinka Caalamiga waxay saddex maalmood ka hor Kulamo la yeesheen Golaha Fulinta iyo Hoggaamiyayaasha Barlamaanka Somalia, waxayna mar kale u sheegeen in la dedejiyo Ansixinta Nidaamka Doorashadda ee Heshiiskii ay Dowladda Federalka iyo Hoggaamiyayaasha Goballadda gaareen bishii la soo dhaafay ee April 12-da.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating waxa uu tilmaamay in Mustaqbalka Siyaasadda Somalia hakad ku jirayo, tan iyo inta laga ansixinayo Nidaamka Doorashadda.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay taasi muhiim u tahay sidii ay la isku wareejin lahaa Awoodaha sharciga dabayaaqadda sannadkan.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating waxa kale oo uu xusay haddii lagu guul-daraysto arrintaasi inay Farriin rabshadaysan u dirayso Caalamka iyo Malaayiinta qof ee Soomaalida ee doonayso inay arkaan Horumarka Dadaalka  ee Doorashadda  Hal Qof iyo Hal Cod ee Doorashooyinka dhici doona sannadka 2020-ka.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor