Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Shirkii Golaha amniga ee Muqdisho ku soo dhamaaday

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka  ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018.

Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista  dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga. Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan.

Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media