Beesha Caalamka oo War ka soo saartay dagaalka Tukaraq

War ay si wada jir ah usoo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka, iyagoo ku baaqay inay nabadda ilaaliyaan Labada dhinac.

War murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu faray Labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland inay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, ayna ka wada hadlaan sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada iyo isweydaarsiga maxaabiista la kala qabsaday.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay Dadkii ka bara kacay dagaallada, waxayna ku baaqeen in la sameeyo jawi gargaar lagu gaarsiin karo Dadka ka qaxay iyo kuwa ku dhibaataysan aagga lagu dagaallamayo.

Beesha caalamku iyo saaxiibbada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dhacdadani inay kusoo beegantay xilli ay jiraan xaalado Bini’aaddannimo, gaar ahaan wakhti ay Dhulkaasi ka taagan yihiin dhibaatadii ay geysteen Duufaanno, Roobab iyo Daadad xooggan oo ay waxyeello badani ka dhalatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor