Beesha Caalamka oo ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Galmudug inay meel iska dhigaan Khilaafka Siyaasadeed.

QM iyo Saaxiibadda Caalamka ee Somalia ayaa ugu baaqay Hoggaamiyayaashaasi inay Khilaafkooda ku xaliyaan Wada-xaajood iyo Dib-u-heshiisiin.

Hadal-qoraal oo ay si wadajir ah magaalladda Muqdisho uga soo saareen Wakiiladda QM, Midowga Afrika, EU-da iyo Dowladda Maraykanka ayaa lagu booriyey Hoggaamiyaasha Galmudug inuu wada=xaajoodka loogu talagalay in lagu gaaro  Dib-u-heshiisiin iyo falalka carqaladayn kara dadaalka Dib-u-heshiisiinta.

Beesha Caalamka waxay tilmaameen  in ay diyaar la yihiin Tas-hiilaadka dadaalka Dib-u-heshiisiinta haddii ay ay isku raacaan dhinacyadaasi.

Goobjoogayaasha ayaa rumeysan inuu Khilaafkaasi bilowday bishii Janaayo ee sannadkan, kadib, markii Cod Aqlabiyad ah lopga qaaday Madaxweynihii Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo isagu xilkaasi hayey tan iyo bishii July ee sannadkii 2015-kii.

Baaqa ka soo baxay QM, Midowga Afrika, Midowga Europe iyo Dowladda Maraykanka ayaa ku soo beegmay, iyadoo maanta la doortay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug o oay ku taretamayaan 3 Musharax.

Waxaana ku guuleystay Axmed Ducaale Xaaf oo helay 54-cod.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media