Beesha Caalamka oo soo dhaweysay dhismaha Barlamaanka KMG ee Jubbaland ee saluuga laga muujiyey

QM, Midowga Afrika (AU), Urur-gobaleedka IGAD, Midowga Europe (EU), Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Barlamaan-gobaleedka cusub ee Jubbaland.

Hadal qoraal oo ay si wadajir ah u soo saareen ayey Maamulka Jubbaland ku booriyeen in la furo Wada-xaajoodyo dheeraad ah si loo hubiyo inay dhamaan Qabaa’illadda, Bulshadda iyo Kooxaha laga tiradda badan yahay ay Wakiilo ku yeeshaan Barlamaankaasi.

“Weynu soo dhaweynaynaa Horumarkaasi muhiimka ah, waxaana ku boorinaynaa Maamulka Jubba inay Dowladda Federalka Somalia ka kaashato sidii loo xalin lahaa arrimaha xiisada kicinayo ee ka yimid dhismaha Barlamaankaasi” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Calaamka, waxayna ballanqaadeen inay taageerayaan Barlamaan-gobaleedka iyo Maamulayaashiisa.

Qoraalka waxaa  kaloo lagu booriyey qeybaha ay khuseyso Barlamaanka Jubbaland inay wada-tashi micno leh iyo dib-u-heshiisiin dhex dhigaan Mujtama, lana dhowro danaha Mujtamaca ku nool Goballadda hoos taga Maamulka Jubba.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Siyaasiyiinta, Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay inay ka biyo diidsan yihiin, isla markaana ay mucaaradsan yihiin Dhismaha Barlamaanka Maamulka KMG ee Jubbaland oo dhawaan lagu dhawaaqay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor