Beesha Caalamka oo faragelisay Khilaafkii ka dhashay doorashadii Guddoonka Golaha Wakiilada Soomaaliland

Waxaa cirka iskusii shreeray khilaafkii ka dhashay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland kaas oo loo saaray Guddi ay iskasoo kala xuleyn labada garab ee isku heesta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

Guddi ka kooban 10mXubnood oo loo magacaabay xalinta khilaafkaas ayaa Shaqadooda Maanta ku eg,waxana xusid mudan in Maanta kulan ay leeyihiin Golaha Wakiilada Soomaaliland ay horgeyn doonaan cadeymihii ay hayaan.

Xildhibaano ka tirsan garabka murrashaxii u tartamayay jagada gudoomiyaha Cabdiraxmaan Talyanle oo xalay hadlay ayaa ka dhawaajiyay in saaka goluhu haduu furmo isaga oo aan xal laga gaarin khilaafka in uu noqon doono mid saamayn yeesha.

Kulanka Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa Maanta ku duwan sidii hore,waxana xusid mudan in kulankii kan ka horeeyay ay Gacmaha iskula tageen labada musharax ee isku heesta xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Xarunta Golaha Wakiilada Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa saakay waxaa la geeyay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa booliiska Soomaliland si ay u ilaaliyaan amniga maadaama kulanku uu yahay mid xasaasi ah.

Sidoo kale Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in khilaafkaan u dhaxeeya Golaha Wakiilada Soomaaliland ay kala dhexgaleen Beesha Caalamka,iyada oo Maanta ay Hargeysa tegi doonaan Wafdi ka socda dawlada Ingiriiska iyo midowga Yurub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media