Barnaamijka noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhacdadii ugu horraysay ee noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaaliya isla markaana ay fulisay wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya ayaa maalintii Isniintii ee toddobaadkan taariikhduna ku beegnayd 4tii May, ee 2015 ayaa lagu qabtay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

 

Furidda barnaamijka noolaynta dhaqanka iyo fanka oo socon doonta muddo saddex bilood ah, isla markaana ka kala dhici doonta gobolka Banaadir, iyo magaalooyin ka mid ah gobollada Sh/dhexe, iyo Sh/hoose, gaar ahaanna Jowhar, Balcad, iyo Afgooye, ayaa looga gol leeyahay inay ka fa’iidaystaan kumannaan dhalinyaro ah oo ku dhaqan degaannadaasi.

 

Furitaanka taxanaha noolaynta fanka iyo dhaqanka Soomaaliya ee ka dhacay xarunta degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, gobolka Banaadir, iyo xubno muhim ah oo ka mid ah bahda fanka, iyo dhaqanka Soomaalida.

 

Kooxaha heesaha, kuwa ciyaaraha dhaqanka, iyo arday yaryar oo loo carbiyay bandhigga heeso macno tabinaya ayaa goontaas ka soo qayb galay, kuna soo bandhigay heeso, iyo ciyaaro dhaqameed qayb ka ahaa noolaynta fanka iyo dhaqanka Soomaalida.

 

Abwaanka caanka ee Maxamuud C/hi Singub oo madashaas hadallo qiimo leh ka jeediyay ayaa yidhi “Dhaqanku aqoon buu u baahanyahay, midda kale dhaqanka iyo hidduhu isku mid maaha, dhaqanku wuxuu la socdaa maalinleyda, hidduhuna waa wax aan guurin

 

Abwaan Singub oo ku sii dheeraaday ka hadlidda barnaamijkan noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaalida ayaa intaa ku daray “ wax laga caydhoobana hidda ahaa ugu daran. Anigu maanta aad ayaan u faraxsanahay maaddaama saddex bilood la wadayo noolaynta dhaqankeenna iyo fankeenna. Sida maahmaahyadii, heesihii, gabayadii.  Maanta waaba maalin wanaagsan, waayo dhaqan la danaynayo iyo hidde la danaynayo, maalgelin lagu samaynayo oo la daawanayo waa wax aad u wanaagsan”

 

Waxaa sidoo kale madashaas hadallo kale ka soo qayb galayaasha uga jeediyay qoraaga caanka ku ah buugaagta dhaqanka iyo fanka Soomaalida ee C/qaadir Nuuh Maax, oo sheegay in haddii uu dhaqanku baabo’o bulshaduna ay raacayso aanay sii jiray, ama dhaqan doorsoon uu ku dhacayo “Haddii uu lumo dhaqanku afkuna wuu lumayaa, waxaan tusaale ka dhigayaa, waxay la mid yihiin sida haddii hooyada dhalaysaa ama foolanaysaa ay iyada iyo ilmihii ay dhalin  lahayd ay dhintaan, ayaa haddii dhaqanka la waayo afkuna guud ahaan wuu lumayaa”

 

Wasiir ku xigeenka wasaaaradda warfaafinta, hiddaha iyo dalxiiska ee Soomaaliya Md C/hi Colaad Rooble oo khudbad dheer halkaas ka jeediyay ayaa sheegey in la ogaaday in qori oo kaliya aan dalka lagu dejin karin, balse in dhalinyarada loo ogolaado in laga nooleeyo dhaqanka iyo fanku inay  qayb ka tahay nabadaynta iyo xasilinta dalka, isla markaana ka wasaaarad ahaan ay ku dadaali doonaan barnaamijkan noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaaliya in la gaadhsiiyo gobollada dalka oo dhan.

 

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee ay degmadiisu martigalisay furmidda barnaamijkan socon doona saddexda bilood ayaa bogaadiyay hawshan, sheegeyna in dhankooda door wacan ay ka qaadan doonaan sidii ay u martigelin lahaayeen barnaamijyada noocan ah ee degmadiisa lagu qabanayo, waxana uu boggaadiyay in ay degmada uu guddoomiyaha ka yahay ay nasiib u heshey in lagu qabto taxanaha barnaamij ee noolaynta dhaqanka iyo fanka qaybtiisii ugu horraysay.

 

Sidoo kale masuuliyiinta madashaas ka hadlay, waxaa ka mid ahaa Maxamed Axmed Diiriye, guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir, kaasoo sheegey in ay u arkaan tallaabo mudan oo lala soo raagay.

 

Su’aalo ku saabsan dhaqanka oo lagu heli doono abaalmarinno ayaa madashaasi lagu waydiiyay qaar ka mid ah dhalintii ka soo qayn galay.

 

In ka badan 350 qof ayaa goob-joog ka ahaa madashaas, kuwaas oo u badnaa dumar.

 

 

fiveeightfouronesixtwo

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor