Barlamaanka Kenya oo Guddi Madax Bannaan u saarayo baaritaanka Weerarkii Ceel-cadde iyo Doorka Kenya ee Hawlgalka AMISOM.

Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya ayaa lagu wadaa inay iska doortaan Guddi Baaritaan oo kaalin kaqaata Baaritaanada lagu ogaanayo waxa sababay Khasaaraha Dhimashada badan ee Askarta Kenya ka soo gaaray Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Saldhiga Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay Askar badan oo Kenyan oo aan weli la xaqiijinin tiradooda rasmiga.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Kenya, Ndung’u Gethenji ayaa sheegay in Baaritaankodoa barbar soconayo Baaritaanka Saraakiisha Milliteriga Kenya ku hayaan Khasaaraha soo gaaray Ciiddankooda ku sugnaa Gobalak Gedoi.

Mas’uulkaasi waxa kale oo uu tilmaamay inay Moshin geyn doonaan Barlamaanka, si looga doodo Doorka Hoggaamineed ee ay Kenya ku leeyihiin Hawlgalka AMISOM, lagana fekero Istaraatijiyadda Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor