Barlamaanka Kenya oo ansixiyey inay Ciiddankooda xubin ka noqdaan Hawl-galladda Nabad-dhalinta ee Gobalka

Barlamaanka Kenya ayaa ansixiyey saxiixa Borotokoolka Iskaashiga iyo Difaaca ee Bulshadda Bariga Afrikca (EAC), oo ay ku mideysan yihiin dalalka Kenya, Uganda iyo Rwanda.

Waxay kaloo Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya saxiixeen Heshiiska lagu dhisayo Ciiddanka Heeganka ee Bariga Afrika (The Eastern Africa Standby Force), si ay u fuliyaan Hawlgalladda Gurmadka Wadajirka, Hawlgalladda Nabadda, Wadaagista Tababarka Milliteriga iyo Is-dhaafsiga Wararka.

Dowladaha xubnaha ka ah EAC  waxay si wadajir ah ugala shaqeynayaan Urur-gobaleedyadda iyo kuwa Caalamiga arrimaha Nabadda, Ammaanka iyo Deganaanshaha Mujtamacyadda ku nool Bariga Afrika.

Mabda’ ahaan Dowladaha ku mideysan EAC waxaa go’an inay si wadajir ah ula dagaalamaan Xarakadda Alshabaab oo hawlgallo ka fuliya gudaha dalal ku yaalla Bariga Afrika, siiba Somalia, Kenya iyo Uganda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor