Barlamaanka Federalka oo soo dhaweeyey go’aankii Madaxweynaha Kenya ku amray in xayiraadda laga qaado Xawaaladaha Somalia

Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Federalka Somalia, Xildhibaan Mohamed Omar Dalxa ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA, wuxuuna xusay inay Mudanayaasha Barlamaanka soo dhaweynayaan hadalkii uu Madaxweynaha Kenya kaga dalbaday Bangiga dhexe ee Kenya inay xayiraadda ka qaadaan Xawaaladaha Soomaalida.

“Dhowr jeer ayaan Sowladda Kenya kala haadalnay arrinkaasi, waxaana rumeysanahay in haatan lagu guuleystay dadaalkeenna” ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Waxa kaloo uu ugu baaqay Dowladda Kenya inay dib u eegaan go’aanka kale ee ay ku gaareen Dhismaha Derbiga dheer ee laga dhisayo xuduudka Somalia, wuxuuna xusay inuusan dhismahaasi ka shaqeynayn danaha labada waddan.

Dowladda Kenya waxay bishii April 7-dii xayiraad ku soo rogeen  13 Xawaaladdo, 89 Hay’addo iyo Shaqsiyaad, oo lagu eedeeyey inay taageero dhaqaale u fidiyaan Hawlgalladda Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.
Xayiraaddaasi ma saamaynin oo keliya dadka ku nool gudaha dalka Somalia, balse ay saamaysay Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya.

Dhinaca kale. Agaasimaha Shirkadda Xawaaladda Jubba Express ee Koonfurta somalia, Abdulkadir Ali Siyad ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee XINHUA inay ku faraxsan yihiin in xayiraadda laga qaado Xarumaha Xawaaladaha Somalia ee ku yaalla gudaha dalka Kenya.

Lacagaha Xawaaladaha ee Qurbo-joogta Soomaalida u soo diraan ehelladooda ku nool gudaha Somalia waxay sannadkiiba gaartaa 1.3 Billion oo Dollar, waxayna  Lacagaha Xawaaladaha ka badan yihiin deeqaha Lacageed ee ay Beesha Caalamka sannadkiiba ugu deeqaan Somalia.

 

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor