Barakac ka socda tuulooyin hoostaga degmada lamar Konton

Xaalad deganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa tuulooyin hoostaga degmada lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ilaa xalay ay ku wada dagaalameen Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-Shabaab.

Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay halkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyo sidoo kale in la gubay boqolaal Guri oo ay deganaayeen Dad Shacab ah halka dadka qaarkood la afduubtay sida ay Radio Dalsan u sheegeen Saraakiisha Ciidanka dowladda oo dagaalka qeyb ka ah.

Qaar kamid ah Shacabka ku nool tuulooyinkii lagu dagaalamay oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in xaalada saakay ay tahay mid degan oo aan jirin wax dagaal ah balse dadka badankood ay barakaceen iyagoo ka cabsiqaba in ay saameyn ku yeeshaan dagaaladaas.

Masuuliyiin Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya  ka tirsan oo la hadlay Dalsana waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhibaatada ka jirta Gobolka Shabeellaha hoose iyo dagaalada 24,Saac oo xiriirka ah ka dhacayay Gobolkaas kaas oo waxyeelo ka soo gaartay dad Shacab ah.