Barack Obama iyo Uhuru Kenyatta oo goor dhow ka wada hadlayo Ammaanka iyo La-dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama oo haatan ku sugan magaalladda Nairobi waxa uu labada iyo barka duhurnimadda maanta la kulmi doonaa dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Ilo ku dhodhow Madaxtooyadda Kenya iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa sheegay inay Labada Hoggaamiye si gaar ah uga arrinsan doonaan dhinacyadda Amniga, Ganacsiga, Xuquuqda Aadanaha iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Madaxweyne Obama oo BBC World la hadlay ka hor inta uusan imaanin Kenya, waxa uu sheegay inaysan wax walaac ah ku haynin Dagaalamayaasha Alshabaab, oo iyagu weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya.

Waxa uu tilmaamay inaysan cabsi gelin Karin Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Barack Obama waxa uu intaasi ku daray inuu xoogan yahay Iskaashiga La-dagaalanka Argagixisadda ee ay Dowladaha Maraykanka la leeyihiin Dowladaha Kenya, Uganda iyo kuwa kale ee ku yaalla Bariga Afrika.

 

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor