Bandow xalay lagu soo rogay deegaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag

Shalay waxaa deegaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beelood oo halkaasi wada dega,waxana dagaalkaas uu ahaa mid tiro ka dhowr jeer soo laab laabtay.

Dagaalkii u dambeeyey ee deegaanka Ceel-afweyn ayaa la soo sheegayaa in tirada dadka ku dhintay ay gaartay ilaa 10 ruux oo isugu jira maleeshiyaadkii dagaalmay iyo dad Shacab ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Soomaaliland ayaa  xalay gaaray deegaanka ceelafweyn kuwaas oo isla xalay Bandow ku soo rogay Magalada si aysan markale ugu dagaalamin labadii maleeshiyo beeleed.

Xaalada deegaanka Ceelafweyn ayaa saakay ah mid degan,waxaana geynta Ciidamada iyo bandowgii xalay lagu soo rogay ay ka dambeysay kadib markii shalay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi uu sheegay in awood loo adeegsan doono joojinta dagaalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media