Bandhigga Nabadda iyo dib-u-dhiska Dalka oo xalay lagu daawaday magaalladda Muqdisho.

Bandhig Faneedka loogu magac daray “Nabadda iyo Dib-u-dhiska Dalka” ayaa xalay lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho, iyadoo ay Kumanaan qof soo buux-dhaafsheen daawashadda Bandhig-faneedkaasi oo la kowsaday Sannadka cusub ee 2016-ka ee Taariikhda Miilaadiyadda.

Kumanaan qof oo ay ku jireen Mas’uuliyiin Sare iyo Marti Sharaf kale ayaa ka mid ahaa  dadkii xalay ka qeyb galay Daawashadda Showga loogu magac daray “Nabadda iyo Dib-u-dhiska dalka”, wuxuuna Showgaasi ahaa kii ugu Shacbiyadda badnaa ee lagu qabto Masraxyada Suugaanta iyo Fanka Soomaaliyeed.

Fannaaniinta caan baxay ee Axmed Muxumad Maxamed “Axmed Nasta”, Iidle Yare, Hodan C/raxmaan Dheere, Idil Cabdi Caddow iyo Mustikistaha caanka ah ee Xasan Cujeer Cajami ayaana soo bandhigay Muqaal Masrixiyadeed aad looga soo shaqeeyey, isla markaana ay Daawadayaasha aad ugu riyaaqeen, uguna hambalyeeyeen Fannaaniintaasi laga daba dhacay.

Waxaa kaloo Bandhig Faneedkaasi ka qeyb qaatay Majaajilistayaal iyo Ciyaartoyda loo carbiyey Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Guddiga Qabanqaabadda Showgaasi ayaa sheegay inay Dadweynaha ka heleen Codsiyo ku aadan in dib loogu soo celiyo Bandhigaasi, oo ay tilmaameen inay weli u hamuun qabaaan Bandhigaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Kharajka ka soo xerooday Bandhigaasi ayaa loo adeegsan doonaa Horumarinta Adeegyadda Asaasiga ee Bulshadda.

Ugu dambeyntii, Akhristayaasha sharafta naga mudan waxaan Sawiradda laga soo qaaday Bandhig Faneedkaasi idiin soo gudbin doonaa saacadaha soo socda, ha moogaanina Insha Allaahu.

©Radio Dalsan                          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor