Bandhig Faneed lagu taakuleyn doono Qoys Somali oo ku dhibaataysan dalka Canada.

 

Kaniisadda The Saint Albert United Church ee ku taalla magaalladda Sant Albert ee dalka Canada ayaa la sheegay inay Olole ugu jiraan sidii Tabarucaad loogu ururin lahaa Qoys Somali oo uu Aabahooda geeriyooday bilowgii Toddobaadkan.

Marxumka geeriyooday oo La-taliye dhinaca Dhulka u ahaa Dowladda Hoose ee magaalladda Edmonton ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuunka Kansarka ku dhaca Maskaxda.

Hooyadda Qoyskaasi oo lagu magacaabo Sahra Xasan waxay Codsi Taageero u qoratay Kaniisadda Saint Albert United Church si looga taageero culayska dhinaca dhaqaalaha qoyska oo ka kooban 11-ka qof oo isugu jira kuwa ay dhashay iyo kuwo ay ehel yihiin.

Fannaanka Martin Kerr ee ku caanka ah Qoob-ka-ciyaarka  iyo Kaniisadda The Saint Albert United Church ayaa go’aansaday inay Qoyskaasi ku taageeraan Kharajka laga helo Bandhig Heeso “Show Music”oo ay qabanqaabinayaan.

Showgaasi waxa bishan November 14-da lagu qaban doono gudaha Kaniisadda The Saint Albert United Church, waxaana uu socon doona muddo labo saacadood oo keliya.

Maamadda Soomaalida ee Kharajka Bandhigaasi lagu taageeri doono, Sahra Hasasn  ayaa la sheegay inay dalka Canada deggan tahay muddo 25-sannadood

© Radio Dalsan

Source: stalbertgazette.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor