Ban Ki-moon oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Xorriyadda iyo Israaca Qaranka Soomaaliyeed

Ban Ki-moon ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal degayey 55-guuraddii ka soo wareegtay  Maalinta Qaranimadda Somalia oo ku beegan maanta oo ay bisha Luulyo tahay kowda.

Munaasabadaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Diplomaasiyiinta Safaaradda Somalia u joogta QM ayaa lagu qabtay magaalladda New York, waxaana ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin iyo Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka.

Ban Ki-moon waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb galo Munaasabadda, wuxuuna sheegay inuu Ummadda Soomaaliyeed la qeybsanayo Farxadda Maalinta Qaranimadda Somalia.

Ban Ki-moon waxa kaloo uu ka hadlay Safarkii uu Somalia ku yimid sannadkii hore, wuxuuna sheegay inay Somalia dib ugu soo laabanayso Horumarka, Nabadda iyo Deganaanshaha.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa ugu hambalyeeyey Ummadda iyo Dowladda Somalia munaasabadda sannad-guuradda 55-aad ee Maalinta Xorriyadda Somalia.

Nicholas Kay waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey dadaalkooda ku aadan sidii dalka Somalia u noqon lahaa mid aad u deggan iyo in lagu guuleysto Hiigsiga Nabadda ee sannadka 2016-ka.

Dhinaca kale, waxa uu u hambalyeeyey Ciiddanka Qaranka Somalia (SNA), Ciiddanka Boliska Somalia (SPF) iyo kuwa AMISOM hawlgalladda ay ugu jiraan sidii loo soo celin lahaa Nabadda iyo Ammaanka dalka Somalia.

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor