Ban Ki-moon oo shaaciyey inaan Alshabaab looga guuleysan Karin Hawlgal Milliteri oo keliya.

BAN KI-MOON

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon oo ka hadlayey Kulankii xalay ee Golaha Ammaanka ee QM waxa uu rajo ka muujiyey in la xoojinayo dadaalka QM ee Arrimaha Somalia, xilli ay Golaha Ammaanka ee QM xalay ansixiyeen Xafiiska cusub ee QM ee Arrimaha Somalia (UNSOS).

Waxa kaloo uu ka hadlay Hawlgalka Dagaal ee lagu jiro Xarakadda Alshabaab, wuxuuna xusay inay sii kordhayso Xag-jirnimadda Somalia iyo inaan  Hawlgalladda Milliteri oo keliya looga guuleysan Karin Alshabaab.

“Waxaa loo baahan yahay maalgelin ballaaran in lagu sameeyo Ammaanka Bulshadda, Xuquuqda Aadanaha, Caddaaladda iyo Fursadaha Dhaqaale ee Dhallinyaradda” ayuu yiri Ban Ki-moon, wuxuuna intaasi ku daray inay waajib tahay in la cambaareeyo Borobgaandada Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon waxa uu tilmaamay in Qaabka ugu wanaagsan ee looga guuleysan karo Xag-jirnimadda inay tahay in la xoojiyo Fursadaha ay dadka ku heli karaan Mustaqbal Wanaagsan.

Waxa kaloo uu ugu baaqay Beesha Calamka inay kordhiyaan Qaaraanka Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Somalia, isagoo xusay Maalgelinta Ummadda Soomaaliyeed inay taageero ka geysan karto  Nabadda Gobalka iyo guud ahaan Calaamka.

Ugu dambeyntii, waxa uu ku booriyey Golaha Ammaanka ee QM inay taageero buuxda ka geystaan sidii looga hortegi lahaa Cabsida Alshabaab.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor