Ban Ki-moon iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada hadlay Arrimaha Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon iyo Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxay Kulan ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika oo ku taalla magaalladda Addis Abeba, halkaasi oo ay Madaxda Dowladaha Afrika maalintii labaad ku leeyihiin Shirkoodii 26-aad.

Madaxweynaha Kenya waxa uu ugu baaqay QM inay kordhiyaan Taageeradda Hawlgalka AMISOM, lana dedejiyo Mushaaraadka Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo shalay Khudbad ka jeediyey Kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga beddelo Sharciga ay AMISOM ku hawlgalaan, isla markaana laga fekero Qaabka AMISOM loogu qeybiyo Qeybaha ay ka hawlgalaan..

Madaxweynaha Kenya waxa uu carrabka ku hduftay in la gaaaray xilligii Isbedel lagu samayn lahaa Awoodda Shaqo ee AMISOM, loona oggolaado Ciiddanka u itaal sheegtaan Alshabaab, si ay Dowladda Federalka uga soo kabato Maamulka Xuduudka Gudaha.

Madaxweynaha Kenya waxa uu qiray inay Alshabaab bedeleen Xeeladihii Dagaalka, isla markaana loo baahan yahay inay Ciiddamadda Ammaanka ee dalalka deriska, gaar ahaan AMISOM loo baahan yahay inay qaadaan Tallaabooyinka muhiimka ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya waxa uu ka hadlay Weerarkii Alshabaab ay labo isbuuc ka hor ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Deegaanka Ceel-cadde, wuxuuna xusay inuu Weerarkaasi muujinayo inay Somalia tahay Saaxadda waxa uu ugu yeeray Argagixisadda.

©Radio Dalsan    

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor