Ban ki-moon iyo Midowga Europe oo cambaareeyey weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Jaziiraee Muqdisho

Afhayeenka Xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa si kulul u cambaareeyey falkii Isqarxinta ee ay Xarakadda Alshabaab maalintii Axadda ka geysteen Hotelka Jaziira oo ku-dhawaad 300 mitir u jira Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka Ban Ki-moon waxa uu tilmaamay inay QM iyo Beesha Caalamka sii waadayaan taaageeradda ay Dowladda Federalka Somalia ka siinayaan xaqiijinta Nabadda iyo Mustaqbalka Somalia.

Ban Ki-moon waxa  uu Tacsi u diray qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkii Hotelka Jaziira, wuxuuna u rajeeyey kuwa ku dhaawacmay inay ka soo bogsadaan dhaawacyadaasi.

Dhinaca kale,  Ururka Midowga Europe “EU” ayaa waxayna ballan qaadeen inay sii waadayaan Taageeradda dadka Soomaaliyeed iyo Dhismaha Hay’addaha Federalka,

Hadal qoraaal oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Ururkaasi ku leeyihiin caasimadda dalka Belgium ee Brussels waxay ku cambaareeyey Qaraxaasi, kuna tilmaameen inuusan wiiqi doonin dadaalka Siyaasaddaa iyo soo-celinta Deganaanshaha Somalia.

Midowga Europe waxay ku baaqeen in kooxihii ka dambeeyey qaraxaasi la hor keeno caddaaladda, waxayna u tacsieeeyey qoysaska ay dadkooda kugeeriyoodeen is-qarxintaasi.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somalia  ayaa sheegay  in uu qaraxaasi fuliyey nin haysta Dhalashadda dalka Jarmalka.

Xarakadda Alshabaab ayaaa horey u sheegtay inay fuliyeen qaraxaasi oo ay kaga fal-celinayeen  gulufka colaadeed iyo duqeymaha Diyaaradaha ee dhawaan lagu qaaday Fariisimadda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin Goballadda Bakool iyo Gedo.

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor