Badmaxiin lagu dilay weerar lala beegsaday Markab weyn

2 shaqaale ayaa lagu dilay weerar lala beegsaday Markab nooca Shidaalka qaada oo marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Cummaan.

Hadal ka soo baxay Shirkadda leh Markabkaasi  ayaa lagu sheegay in Nin u dhashay UK, mid ka soo jeeda dalka Romania lagu dilay Weerarkaasi.

Markabka la weeraray oo lagu magacaabo  Merker Street  oo ay leedahay Shirkad Israeli ah ayaa ku sii jeeday Dekeddaa magaalladda Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel,Yair Lapid waxa uu ku eedeeyey Dowladda Iran inay ka dmbeeyeen weerarkaasi,loona baahan yahay in laga fal-celiyo weerarkaasi.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in Daroon loo adeegsaday Weerarkaasi.

Telefishinka Dowladda Iran ee Al-Calam ayaa ilo aan la magacaabin ka soo xigtay in weerarkaasi looga fal-celinayey weerar ay Israel ka geysteen Garoonka Diyaradaha ee magaalladda Dabaa ee Gobalka Al-Qusayr ee dalka Syria bishii May 10-dii ee sanadkii 2018-kii

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor