Baasaboorka Somalia oo Qiimeynta Caalamka kaga horreeya kuwa Pakistan, Iraq iyo Afganistan.

Hay’adda La-talinta ee Heneley & Partners oo khibrad u leh Adeegyadda Muwaadiniinta ayaa dhawaan soo saartay Qiimeynta Baasabooradda ee 104 Dowladood.

Hay’addaasi oo fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda London ee dalka Britain ayaa waxay qiimeynteeda ku salaysay Baasabooradda Fisso la’aanta lagu tegi karo dalalka Calaamka.

Baasaboorka dalka Jarmalka ayaa kaalinta Koowaad galay, iyadoo Fiiso la’aan lagu tegi karo 177 Waddan.

Warbixinta  waxaa kaloo lagu xusay inay baaritaankooda ku ogaadaan inuu Baasaboorka Jarmalka yahay kan ugu xoogga badan Caalamka sannadkan, waxaana soo raaca dhowr dal oo ku yaalla Qaaradda Europe, sida Sweden, Finland, France, Italy, Spain, UK, Belgium, Denmark iyo Holland.

Sidoo kale, Baasabooradda Maraykanka, Canada iyo Japan waxaa Fiiso la’aan lagu tegi karaa ilaa 170-Waddan.

Dhinaca kale, Hay’adda La-talinta ee Heneley & Partners waxay Warbixinteeda ku muujisay in Baasaboorka Somalia uu Kaalinta 101-aad kaga jirto Qiimaynta Baasabooradda Fiiso la’aanta lagu safri karo, iyadoo qofka wata Baasaboorka Soomaaliga uu Fiiso La’aan ku tegi karo 31 Waddan.

Ugu dambeyntii, Baasabooradda dalalka Ciraaq, Pakistan iyo Afganistan waxay kaalimaha hoose kaga jiraan Shaxda Qiimeynta Baasabooradda Caalamka ee Fiiso La’aanta lagu socdaali karo.

Baasaboorka dalka Afganistan ayaa la sheegay inuu ahaa kan ugu hooseeya Caalamka tan iyo sanndkii 2010-kii.

pakistan Passaport afghan passaports iraqi passaport

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor