Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya arrimaha Doorashooyinka

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka shiraya arrimaha doorashooyinka dalka oo muran weyn uu ka taagan yahay sida loogu qeybiyay aqalada baarlamaanka gobolada dalka.

Shirka waxa gudoomin doona gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya sida aan ka soo xiganay wakaalada Wararka SONNA .

Xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ayaa dacwad weyn ka keenay qaabka gobolka Banadir loogu diiday iney xubno ku yeeshan aqalada baarlamaanka Soomaaliya ee la dhisi doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa codsaday in Muqdisho xaqeeda la siiyo,waxayna Khamiistii soo qaban qaabiyen dibad bax balaaran oo arintasi looga soo horjeeday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor