Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay Heshiiskii Puntland ee Shirkadda DPWorld

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta ka dooday islamarkaana cod u qaaday heshiiskii Madaxda Puntland ay la gashay Shirkadda DPWorld ee dowladda imaaraadka Carabta ee la xiriira maamulka iyo balaarinta dekadda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Kulanka baarlamaanku markuu furmay waxaa la akhriyey codsiga Madaxweyne Gaas ee soo gudbinta heshiiska, kadibna waxaa loo gudbay in ku simaha Wasaaarada Dekadda Saciid Maxamed Raage uu akhriyey warbixin ka hadlaysa heshiiska dekadda Boosaaso kana codsaday baarlamaanka in uu ansixiyo.

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa lasoo bandhigay warbixin maqal iyo sawir isugu jirta oo sharaxaad lagu daray taasi oo mudanayaasha hortooda lagu sharaxay, qaabka wax looga bedelayo dekadda Boosaaso, caqabadaha hada jira iyo waxa ay ka faaideyso dekaddu heshiiskaasi.

Kulanka Baarlamaanka Puntland oo Maanta ahaa mid xasaasi ah,ayaa waxaa fadhiyay 46 Xildhibaan markii cod loogeliyay ansixinta heshiiskaan ayaa waxaa codeeyay dhamaan46,dii xildhibaan ee kulanka ku sugnaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media