Baarlamaanka oo Mooshinkii Saldhiga Berbera ku Wareejiyey Xukuumada

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta waxaa ay kaga hadleen Mooshinka laga keenay saldhiga magaalada Berbera uu ka dhisanayo Imaaraadka.

Baarlamaanka ayaa golaha wasiirada ee xukuumada ka codsaday in warbixin sugan goluhu ay ka keenaan heshiiska saldhiga Berbera .

Qaar ka mid ah Xildhibaanda baarlamaanka oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyey in laga hortago dhismaha saldhigaas oo ay dhibaato qaran ku tilmaameen.

Soomaaliland ayaa dhawaan heshiis la gashay dowladda Imaaraadka oo saldhig millatari ka sameysaneyso magaalada dekada eh ee Berbera, kaasi oo ay qaar ka mid ah mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya Mooshin ay ka keeneen .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media