Baarlamaanka Jubbaland oo xilkii ka qaaday laba Xildhibaan(Akhriso Magacyada)

Magaalada Kismaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta xilkii Xildhibaanimo ka qaaday labo Xildhibaan oo lagu kala magacaabo  Cabdiqadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali yusuuf kuwaasoo lagu eedeeyay inay mucaaradeen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee xil ka qaadista sameeyay ayaa labadaan xildhibaan ku eedeeyay inay jabiyeen Dastuurka Jubaland, inkastoo Xildhibaanada baarlamaanka Jubaland iyaguna lagu eedeeyo inaysan ku dhaqmin Dastuurka uu leeyahay Maamulka Jubaland.

 

Kulan ay Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ku yeesheen Xildhibaanad baarlaamnka Jubbaland ayaay ku shaciyeen in ay xilalkii uga qaadeen labadaasi Xildhibaan waxana Warar soo baxaya ay sheegayaan in isla xildhibaanadaas ay ka biyo diideen xilka qaadista lagu sameeyay.

Weli arintaan kama hadlin madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) balse waxa ay u muuqataa in uu wax ka ogyahay maadaama xildhibaanadaan lagu eedeeyay in ay mucaaradeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media