Baarlamaanka Jarmalka oo ka hadlay Hawlgalladda ay Sirdoonka Jarmalka iyo Maraykanka ku dhegeystaan Isgaarsiinta Somalia

Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Jarmalka,Nobert Lammert ayaa si kulul u naqdiyey codsi ay Xukuumadda Federalka Jarmalka ku doonayso in loo maadax-baneeyo sidii ay baaritaano u gaar ah ugu samayn lahayd Iskaahiga Hay’adda Sirdoonka Jarmalka ee BND iyo Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka ee NSA.

Nobert Lammert ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska “Der Spiegel” ee ka soo baxa dalka Jarmalka, wuxuuna sheegay inuusan rumeysanayn inay Xukuumadda Jarmalka xulan karo Baarayaal gudaha si ay u soo eegaan Hawlgalladda Basaasnimadda ee ay Hay’adda Ammanka Qaranka Maraykanka ka fuliyaan gudaha Jarmaalka.

Wareysigiisa waxa kaloo uu ku sheegay in loo baahan yahay inuu jiro La-xisaabtanka iyo mas’uuliyadda Barlamaanka, wuxuuna ku taliyey in la sameeyo Baarayaal ka kala yimada Xisbiyadda Isbahaysiga Christian Democrat-Social Democrat coalition iyo kuwa ka yimaada Xisbiyadda Mucaaradka.

Xisbiga Cagaaran (The Green Party) iyo Xisbiga Garabka Bidixda (The Left Party) ayaa mar hore ygy hanjabay inay Tallaabo sharci ah qaadi doonaanhaddii aan Guddiga loo soo gudbin liiska arrimaha la baarayo.

Dhinaca kale, Hay’adda Sirdoonka Jarmalka (Germany’s BND intelligence agency) iyo Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (The US National Security Agency)  ayaa la sheegay inay dhegeystaan Xogaha Isgaarsiinta ee dalal ku yaalla Koonfurta Europe.

Qalab Isgaarsiin Teknoolajiyadiisu sarreyso ayey Hay’addaha BND iyo NSA dhigeen Koonfurta Jarmalka,kuwaasi oo loogu talagalay in lagu ururiyo Xogaha Isgaarsiinta Somalia iyo Wada-sheegeysiga Telefoonnadda ka imaanaya dalalka Somalia iyo Afganistan.

 (dpa, AFP)

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor