Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeelanaya Jowhar

Mudanayaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeellaha ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeelan doonaan Xarunta Maamulkaas ee Magaalada Jowhar.

Ajendaha Maanta ee kulanka ayaa ah mid uu khilaaf ka taagan yahay sida ay sheegeen qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka ee kulanka Maanta ka qeyb gelaya.

Mudanayaasha Baarlamaanka Hir-Shabeelle qaarkood ayaa iskuhaya laba Ajende oo kala ah in Dastuurka Hir-Shabeelle dib loogu eego Golaha Wasiirada uu Magacaabay Madaxweyne Waare halka kuwo kale ay qabaan in la guda galo ansixinta Golaha Wasiirada Cusub.

Khilaafkaan soo kala dhexgalay qaar ka mid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa waxa uu sababay in safar shalay uu Baydhabo ku tegi lahaa uu ka baaqsado Gudoomiyaha Baarlamanaka Hir-Shabeellee Sheekh Cusmaan Bare Maxamed.

Kulanka Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa Maanta ka dhacaya Jowhar,waxaana Ciidamo farabadan la dhigay howlka uu ka furmayo Shirka so uusan uga dhicin buuq iyo rabshado.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media