Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub Ee Maamulkasi

Baarlamaanka Galmudug ayaa ansaxiyay Golaha Cusub Ee wasiirada Maamulkasi oo uu Madaxweyne Cabdikareem Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay Maalintii Jimacaha ee 28 Bishan.

Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta yeeshay Kulan ay cod ugu qaaden Golaha Cusub ee Wasiirada waxana xaadiray 69 Mudane.

Xildhibaano gaaraya 66 Mudane ayaa u codeeyay Golaha Cusub Ee Wasiirada Galmudug waxana ka aamusay Seddex Mudane oo kala ah Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa sida uu ku soo waramayo wariyaha Dalsan Ee Cadaado.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor