Baarlamaanka Carabta oo Dalab u diray Dowladdaha Aljeeriya iyo Marooko

Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu si hoose ula socdo isbeddelka ku yimid xiriirka diblomaaasiyaadeed ee dowaladaha Aljeeriya iyo Marooko, kadib markii Aljeeriya ku dhaawaqday inay cilaaqaadka u jartay dowladdda Marooko.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa loogu baaqay labada dowladood inay mudnaanta koowaad siiyaan xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay khilaaf kasta oo jira ku dhameeaan miiska wada hadalka sida ugu dhaqsiyaha badan .

Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa lagu soo gabagabeeyay in laga sugaayo madaxda labada dowladood inay adeegsaaadan xikmad si ay uga gudbaan dhibaatada taagan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor