Baarayaasha Faransiiska oo meesha ka saaray inuu bam sababay burburkii Diyaaradii Egyptair.

Warbixin lagu soo daabacay Wargeyska Le Figaro ee ka soo baxa magaalladda Paris  ayey Baarayaasha ku sheegeen inaysan wax qaraxyo ah ku arkin maydadka Rakaabkii Faransiiska ee la socday Diyaaradaasi.

Diyaaradaasi oo isaga kala gooshaysay maga llooyinka Paris iyo Qaahira ayaa burburtay bishii May 19-dii ee sannadkii hore, iyadoo ay ku geeriyoodeen dhamaan 66-kii qof ee la socotay oo ay ku jiren 12 u dhalatay Faransiiska.

Hadalkaasi waxa uu meesha ka saarayaa Warbixin ay Baarayaal Masaari ah bishii December ku sheegeen inay qaraxyo ka heleen maydadkii la socday Diyaaradii burburtay ee Duullimaadkeedu ahaa 804.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media