Baarayaal:- “Qarixii Daallo Airlines waxaa sababay Bam yar oo lagu dhex qariyey Laptop”

Koox Baarayaal ka tirsan Hay’adda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa soo gaaray magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galayo Baaritaanka socda ee lagu ogaanayo waxa sababay qarixii Talaadadii hore ka dhex dhacay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines.

Baarayaasha ayaa rumeysan inuu qaraxaasi u eg yahay inuu dhaliyey Bam yar oo lagu soo dhex qariyey Laptop.

Diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa Airbus A321, Flight No. 3159 ayaa waxa uu qaruxu ku qabsaday iyadoo dhulka ka kacday una jirta masaafo dhan 11,000 oo Feet, waxayna taasi khasabtay inuu Duuliyaha Diyaaradaasi si degdeg ah ugu soo laabatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen labo qof, iyadoo maydka nin la sheegay inuu Diyaaraddu ka dhacay markii uu qaruxu dhacay laga helay Degmadda Balcad.

Ilo-wareed  ayaa waxay sheegeen inay Baarayaasha tilmaameen inaan meesha laga saari karin inay dhici karto inay Alshabaab ama Daacish ka dambeeyeeen qaraxaasi.

Afhayeen u hadlay FBI-da waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo qoddobkaasi, isagoo Weriyayaasha u sheegay inuu jeclaan lahaa inay Su’aalahaasi weydiiyaan Dowladda Federalka.

Baarayaal kale oo ka socda dalka Giriiga iyo kuwo kale ayaa qeyb ka ah Baaritaanadda haatan lagu hayo Diyaaradda Daallo Airlines ee uu qaruxu saameeyey, taasi oo haatan fadhida Garoonka Diyaaradaha Milliteriga Afisiyoone ee kaabiga ku haysa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Afhayeenka Shirkadda Turkish Airlines, Yahya Ustun ayaa sheegay in inta badan Rakaabkii raacay Daallo Airlines ay asal ahaan ku qornaayeen Jadwalka Duullimaadka Turkish Airlines, balse Duullimaadkaasi loo  kansal-gareeyey sababo la xiriiray Cimilladda oo xumayd iyo Sababo Hawlgal “Operational reasons”.

Xigasho: ABC News

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor