Axmed Madoobe”Ciidamadeenu ha u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xerada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu halkaas kula hadlay Ciidamada oo u diyaar garoobaya hawlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo Gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybaha ay wali kaga dhuumalaysanayaan Jubbada Hoose.

Dhamaan Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayuu ku amray in ay diyaar garoobaan oo ay ka qayb qaatan hawlgalka xoraynta deeganada wali ay haystaan nabad diidku.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay sii burburayaan isla markana loo baahanyahay in la qaado hawlgallkii ugu danbeeyay oo Gobolka lagaga saarayo.

Dadweynaha ayuu ku booriyay in ay Ciidamada garab istaagan oo ay ka qayb qaatan sidii looga hortagi lahaa dhaqamada Argagax galinta iyo cabsida ee ay Al-Shabaab doonayaan in ay umada ku niyad jabiyaan.

“ Al-Shabaab ma haystaan awood ay idinkaga hor’iman karaan waxa kaliyah oo inala gudboon waa in aan weeraro oo god iyo geedba aan ka daba gallo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in gaba’gabo uu marayo diyaarinta hawlgal weyn oo Jubbaland oo dhan ka bilaabanaya sidaas darteedna uu wakhtigiisa ugu badan ku qaadan doono xeryaha Ciidamada iyo abaabulka hawlgalka lagu naafaynayo Argagixisada.

“ Ciidamada ayaan dhex joogi doona si aan idinla qaybsado wakhtiyada adag ee aad wadankiina u halgamaysaan anigoo huba in aad guulaysan doontaan“ ayuu yiri Madaxweynahu.

Ciidamada Darawiishta Jubbaland waxay maalmahii lasoo dhaafay Hawlgalo ka sameeyeen qaybo kamid ah deegaanada gosha halkaas oo ay ku burburiyeen saldhigyo argagixasadu kulaheyd deeganadaas , Madaxweynahu wuxuu sheegay in taasi ay banaanka soo dhigtay sida aysan Al-Shabaab awood ugu lahayn in ay sii jirto.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media