Axmed Madoobe”Abaalmarin ayaan siinayaa Ciidamadii Kismaayo ka qabtay Askarigii tacadiga u geystay Faa’iza

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgal gaar ah oo Ciidamada Booliska Jubbaland ay kusoo qabteen Eedaysane Abdirisaaq Warsame Axmed oo lagu soo Eedeyay in uu fal isku day kufsi iyo dhaawac ugu gaystay Magaalada Boosaaso Gabadh Soomaaliyeed.

“ Waxaan doonaya in aan bogaadiyo dadaalka iyo shaqo wanaaga ay la yimaadeen laamaheena amaanka gaar ahaan Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay Eedaysanahan oo mudo ku dhuumalaysanayay Gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynahu wuxuu Ciidamada hawlgalkan fuliyay sheegay in la abaal marin doono si ay shaqadooda usii laba jibaaran isla markana ay ka hortagi doonan in dad danbiyo meelo kale kasoo galay ay deegaanka ku dhex dhuuntaan.

“ Wada shaqayn buuxda oo dhex marta Hay’adaheena Amaanka iyo Cadaalada ayaan ku gaari karaa halka aan usocono oo ah in aan qofna lagu xadgudbin oo la ilaaliyo sharaftiisa iyo karaamadiisa” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dowlad Goboleedka Puntland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida ay uga qayb qaateen in ninkan gacanta lagu soo dhigo isla markana ay u aqbaleen in Cadaalada lagu mariyo halkii uu danbi kasoo galay.

Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in uu Cadaalad helo Abdirisaaq Warsame Axmed isla markana la mariyo wixii uu sharcigu ka qabo falka lagu soo Eedeyay isagoo isla maanta Taliska Ciidamada Booliska Jubbaland ay u dhoofiyeen Puntland si halkaas Maxkamad loogu saaro.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media