Axmed Madoobe oo Xildhibaanada Jubbaland kala hadlaya xiisada ka taagan Magaalada Kismaayo

Iyada oo Magaalada Kismaayo ay weli ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Xildhibaanada qaar ee Maamulka Jubbaland iyo Madaxweynaha Maamulkaas ayaa hadana Maanta wxaa la filayaa in uu la kumo Xildhibaanada qaar Madaxweyne Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa la sheegay in uu yahay mid gaar ah oo uu Axmed Madoobe uu la qaadan doono tiro xildhibaano ah oo ka mid ahaa kuwii moshinka ka geeyay balse markii dambe ka laabtay kadib hanjabaad uga timid Madaxtooyada Jubbaland.

Sigaar ah xildhibaanada uu la kulmi doono ayaa sidoo kale waxa ay saaxiib dhow la yihiin Xildhibaan Axmed Taajir oo shalay Ciidamada Jubbaland ay Xabsiga dhigeen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada uu Madaxweyne Axmed Maodobe uu ka dalbaday kulanka Maanta ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in uusan weli u cadeyn waxyaabaha uu kala hadli doono balse ay u badan tahay sidii loo dejin lahaa xiisada ka taagan Magaalada Kismaayo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Xildhibaanada uu Axmed Madoobe Maanta la kulmayo aysan aheyn kuwa aad u badan balse ay gaarayaan ku dhawaad 10 mudane,waxana iminka socda qaban qaabo ku aadan kulanka labada dhinac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media