Axmed Madoobe oo Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare & Xeer Ilaaliye(Akhriso)

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu Magacaabay  Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jubbaland iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Maamulkaas.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa labo digreeto ku kala magacaabey Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan Siciid iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare Sheekh Cabdishakuur Ibraahim Cabdi.

Tallaabadaan uu Maanta xilalkaan Cusub uu ku Magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku soo aadeysa xili Kismaayo ay ka taagan tahay Xiisad ku aadan in Guddiga Anshaxa Baarlamanka Dowlad goboleedka Jubbaland ay sheegeen in ay xasaanadii ka qaadeen Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan wallow isagu uu Sharcidaro ku tilmaamay.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Xilalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media