Axmed Madoobe oo ka baaqday Safar uu ku tegi lahaa Magaalada Dhuusa Mareeb

Wufuud kala duwan aya weli ku sii qul qulaya Dhuusa Mareeb kuwaas oo ka kala imaanaya Gobolada dalka Soomaaliya si ay Goobjoog uga noqdaan shirka dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna si ay u wada midoobaan.

Maanta ayaa waxaa tegi doonaan qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira sida Puntland,Koonfur Galbeed halka Waare  iyo Xaafna ay horay Dhuusa Mareeb u tageen,balse Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland uu ka baaqsaday safarkii uu ku tegi lahaa Dhuusa Mareeb.

Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay baaqashadiisa Dhuusa Mareeb arrimo la xiriira howllo farabadan oo horyaalla Maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe oo booqan doona deegaano ka mid ah Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Dhinaca kale Madaxtooyada Jubbaland ayaa shaacisay in Madaxweynahu uu soo dhawaynayo dhamaystirka heshiiska ahlusuna iyo Galmudug oo uu rajaynayo in ay dhabaha u xaarto deganaan Siyaasadeed iyo Hormarka Gobolka oo sii socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media